Nuxurka Shirkii Golaha Amaanka Qaramada Midoobey ka yeeshay Soomaaliya

Published: August 20, 2020
WIde The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/884)

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi gaar ah ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, kulankan ayaa ka duwanaa kii hore ee dhanka Internetka ahaa, waxaana ka qaybgalay Eragyaga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey uga wakiilka ah Soomaaliya James Swan.

James Swan iyo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa warbixin dheer shirka ka sii yey xaaladda Soomaaliya ee saddexdii bilood ee u danbeysey, ka hor inta aan dalalka joogtada ku ah Golaha iyo kuwa isbeddala aysan warbixintooda jeedin.

Security Council meeting on the situation in Somalia. James Swan, Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia.

James Swan warbixintiisa ayaa koobeysey xaaladda doorashada ee dalka, shirka Dhuusamareeb, amniga, wada hadaladii DFS iyo Somaliland iyo xaaladda bini’aadanimo, Wuxuu hoosta ka xariiqey in nooca doorasho ee dalka ka dhacayso ay noqoto mid loo dhan yahay oo cid gaar ah aysan go’aan ka gaari karin, sidoo kale waxa uu Madaxda Punland iyo Jubaland ugu baaqey in ay shirka ka qaybgalaan.

Inta badan ergooyinka Golaha Amaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso kala leexad adag oo u baahan in looga gudbo wada hadal iyo isku duubni, waxay dalbadeen in la dedejiyo magacaabista raysalwasaaraha si arrimaha dhiman loo dhaqaajiyo, sidoo kale waxay dalabdeen in shirka Dhuusamreeb uu noqdo mid loo dhan yahay.

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Warbixin ay u dhan yihiin qoraal ahaan ku soo saaraan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Fikir ahaanteeda talada tii Allah xaalada Hadeey no qoto anaa anaa taa si waa waali run ahaan leadership ka waa inuu shacabka talo weeydiiso sida hada xaalada waxeey u aktahay suuqgeeyn leadership oo 4 year wa in lagaa helaa balaayo ku heeysato Abowe loogumo baxo tell true fail or successful thank u