Odayaal dhaqameed ka tagay Muqdisho oo gaaray magaalada Hargeysa

Published: April 25, 2023

Odayaasha dhaqanka ee koonfurta Soomaaliya uga yimid dhexdhexaadinta xaaladda Laacsaanood ee gobolka Sool ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Odayaashan ayaa hore u tegay magaalada Laascaanood, halkaas oo ay kula soo kulmeen Garaadada SSC, iyagoo kormeeray goobaha ay saameysay dagaalka.

Wafdigan ayay dadaalkooda ka shaqeynaysaa wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Madaxweyne Biixi isku dayay in uu diido qaabili dooda, hayeeshee cadadiska dawladda Mareyknka ayaa qasbay.

Booqashada wafidgan ee Hargeysa ayaa ah markii ugu horeysay oo ay halkaasi tagaan, tan iyo markii ay bilaabeen dhex dhexaadintooda.

Horseed Media