Odayaal Xarardheere kula heshiiyay Al-shabaab oo lagu xukumay shan sano oo Xabsi ah

Published: January 29, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Shan Sano oo Xabsi ciiidan ku xukuntay Odayaal heshiis kula galay Alshabaab degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug dhamaadka sanadkii 2022.

Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaashan heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga qabsan Al-shabaab.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Horseed Media