Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland

Published: February 28, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Karaash ayaa daah-furay ololaha daaweynta Xoolaha Puntland oo maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ololahan daaweynta uu u leeyahay xoolaha Puntland.

Sida aynu wada og nahay markasta oo ay dhacdo abaar saamayn u geysatada Xoolaha waxaa hoos u dhac ku yimaadaa difaacooda taas oo uu sahasha in si fudud ay ubaxaan, waaxaana muhiim ah in xoolaha la daweeyo”.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xoolo dhaqatada Puntland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Tallaalkan mudada uu socdna oo ay la shaqeeyaan kooxaha kala duwan ee hawsha wada, isla markaana masuuliyad ay iska saaraan daaweynta xoolaha Puntland.

Xooluhu waxay ka mid yihiin ilaha dhaqaale ee dalka, waxaana ololahan lagu daweyn doonaa Sadex Milyan oo neef, iyadoo muddo 36 cisho uu socdo laga fulin doono dhammaan gobolada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka daah-furka waxaa ku wehliyay Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Puntland iyo ku wasiiru dowlaha, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dawladda Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyada, shaqaalada wasaarada, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *