Ololaha kamid noqoshada golaha wasiirada federaalka iyo faro-gelin lagu hayo

Published: March 2, 2017

Kadib markii maalinti shalay Xildhibaanada Golaha Shacabku ay ansixiyeen Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa si xawli ah ku biowdey isa habeenkii xalay ol-olaaha ka mid noqoshada Golaha Wasiirada ee Raysalwasaaruhu soo dhisaayo.

Warar ku dhaw Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in uu qorsheynayo in uu magacaabo gole wasiro oo shaqeyn kara kuwaas oo ah xirfadley aqoon iyo khibrad isku darsadey (technocrat), sidoo kale waxa uu sheegay in uu doonaayo in ay yihiin kuwo leh karti iyo hufnaan taas oo uu hal-beeg uga dhigey xukuumadiisa imaan doonta, sid lamid ah Xukuumaddo AUN Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Waxaa jira musharixiin wata dalabkooda oo lagu arkaayo hoyga Rayslawasaaraha iyo weliba kan Madaxweynaha.

Golaha Wasiirada ee Raysalwasaare Kheyre magacaabayo ayaa la sheegayaa in ay ka koobnaan doonaan 20 wasiir iyo 5 Wasiiru dowle iyo 20 wasiir ku xigeen. Dhanka kale waxaa jira baaqyo la gaarsiiyey Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ah in golaha Wasiirada intooda badan laga keeno banaanka Baarlamaanka, Xildhibaanada cusubna ay ku ekaadaan la xisaabtanka xukuumadda ee aysan qaban shaqo ka baxsan taas.

CAQABADAHA JIRA

Qaar kamid ah madaxdii hore ayaa saameyn kuleh magacaabidda golaha Wasiirada ee cusub, Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo weliba Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa la sheegayaa in ay faro-gelin ku hayaan soo magacaabidda xukuumadda cusub iyaga oo u ololeynaya xubno aad ugu dhawaa si ay xukumadda cusub uga dhex muqdaan sida Horseed Media ogaatey.

Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horey uga mid ahaa ololihii doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxa uu ahaa nin saaxiib dhaw la ahaa raysalwasaarihi hore Cumar Cabdirashiid, qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa si hoose Horseed ugu sheegay haddii rayslawasaaruhu kala tashado xukuumadiisa Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid uu waayi doono kalsoonidda la siiyey, shacabkana uu niyad jab ku ridaayo.

MAAMUL GOBOLEEDYADA

Warar ay qoreysey qar kamid ah saxaafadda Puntland ayaa sheegeysey in Madaxweynaha Puntland wado isku-shaandheyn xukuumaddiisa ah. Wararku waxay sheegayaan in Dr. Cabdiweli Cali Gaas ka mid yahay xubnaha faro-gelinta ku haya xukumadda cusub ee Raysalwasaare Kheyre soo dhisaayo waxaana isku-dhaandheynta Puntland ay sugeysaa magacaabidda Dowladda Federaalka si ay uga dhex arkaan xubnaha ay u wada ol-oleynayaan, isla amrkaana ay ugu caddaato cidda la beddeli karo iyo kuwa kale.

Shacabka Soomaaliyeed oo si weyn u soo dhaweeyey is-beddelka dalka ka dhacay ayaa doonaya in isbeddelku gaadho meel kasta oo la keeno xukuumad shaqeyneysa lagana fogaado gole wasiiro oo lagu keenay faro-gelin sababtey nin jecleysi, saaxiibtinimo iyo qaraabo.

Madaxwene Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka dalbadey Rayslawasaaraha in soo xulitaanka golaha wasiirada lagu soo koobo muddo aan ka badneyn 15 maalmood.

Waxaa dhici karta in qaar kamid ah golaha wasiirada laga soo hormariyo wakhtigooda oo la magacaabo maalmaha soo socda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *