Ololaha Muslimiinta ku diidayaan iibsiga alaabaha laga keeno FRANCE

Published: October 26, 2020

Dowlada France ayaa walaac ka muujisay ololaha ka bilowday qaar kamid ah dalalka Islaamka ee caalamka oo lagu diidayo iibsiga alaabaha laga keeno dalka France, arrintan oo looga jawaabayo aflagaadada jaraa’idka dalkaasi u geysteen Nebi Maxamed SCW.

Wasaarada Arrimaha Dibada ee France ayaa Axadii shalay soo saartay qoraal ku socda dalalka Islaamka oo looga codsanayo in la joojiyo ololaha ka dhanka ah shirkadaha laga leeyahay dalka France.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo laftiisa loo heysto inuu aflagaadeeyey muslimiinta France, ayaa weli ku adkeysanaya waxa uu ugu yeeray difaacida xoriyada hadalka, isagoo Axadii shalay markale bartiisa Twitter kusoo qoray:

“…Marnaba is-dhiibi meyno…”

Dalka Kuwait ayaa bilaabay in gebi ahaan dukaanada wadankaasi ku yaal laga qaado alaabaha laga keeno dalka France noocyadooda kala duwan, waxaana sidoo kale hada ololahan laga dareemayaa dalal kale ee Islaamka.

Ololahan oo hada bilow ah ayaa sidoo kale laga dareemayaa shabakada Twitter oo ay dadka muslimiinta ah ku shaacinayaan ololahan iyagoo adeegsanaya #boycott_french_products.

https://twitter.com/waseemtariq_/status/1320574511188758529

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment