Ololaha ururka KAAH oo mugdi geliyey rajadii doorashooyinka Puntland

Published: December 27, 2022

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa u ballansanaa in todobaadka u horeeya bisha Janaayo 2023 ay ka bilaabaan diiwaangelinta codbixiyaasha gobolada Bari, iyo Karkaar marka laga reebo degmoyinka Qardho iyo Ufeyn iyo gobolka Gardafuu. Haddaba ka hor diiwaangelinta waxaa awoodii TPEC legdin boobay ururka dowladda ee KAAH oo la wareegay shaqadii TPEC iyaga oo isticmaalaya dhamaan awoodii dowladda, sida gaadiid, dhaqaale iyo iyo weliba shaqaalihii iyo ciidamadii dowladda.

Qaar kamid ah La taliyaasha cusub ee Madaxweynaha Puntland ayaa u soo jeediyey qorshaha ololahan cusub si loo dardar geliyo in la sameeyo wax loogu yeeray ololaha doorashada iyo wacyi gelinta diiwaan gelinta oo soconeysa sagaal maalmood taas oo ay k baxayso dhaqaale ka badan 200 oo kun oo dollar.

Sida uu qabo xeerka diiwaangelinta codbixiyaasha ee Lambarkiisu yahay 1, waxaa awooda diiwaan gelinta iska leh ururka TPEC, sidoo kale qodobka 29aad waxa uu siinayaa Guddiga TPEC in ay lee yihiin wacyi gelinta diiwaan gelinta, isla xeerkaas qodobkiisa 33aad waxa uu sheegayaa in ay reeban tahay in diiwaan gelinta loo isticmaalo olole doorasho ama xayeysiin urur/xisbi loo sameeyo.

Horey waxaa Puntland uga dhacdey diiwaangelinta saddex degmo, waxayna aad uga duwan tahay waxa hadda ururka KAAH ka wado qaar kamid ah degmooyinka diiwaangelinta loo qorsheeyey.

Waxaa la dhihi karaa ololaha sagaalka maalmood ee KAAH waxa uu shacabkii Puntland ku direy in ay is diiwaan geliyaan, waxaa loo arkey in ay la wareegeen awoodihii guddiga doorashooyinka ee TPEC, waxay noqndeen urur keliya ee garoonka ku dhex ciyaaraya iyaga oo olole doorasho wada, taas oo ah mid reeban oo ku xusan xeerarka la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Magaalooyinka Xumbeys iyo Rako ee gobolka KARKAAR waxaa duqeytidoodi ku doodeen in aysan is diiwaan gelineyn, dadkoodina ka maqan yahay deegaanada oo ay naq raaceen, magaalada qadiimiga ah ee Iskushuban waxay ku khasabanaadeen in ay dhinac ka maraan, kadib markii malayshiyo gawaari gaashaaman wataa halkaas gaareen kuna wargeliyeen in aysan imaan karin, magaalada taariikhiga ah ee Baargaal shirkii ay maanta la qaateen odoyaasha magaalada waxaa odoyaashu u sheegeen in wakhtigan doorasho diyaar u ahayn ee ay magaalada si nabad ah isaga baxaan.

Intaas waxaa dheer in malayshiyo beeleed ay isbaaro dhugteen buuraha karin-dheeg oo u dhexeeya Dangaroyo iyo Garoowe waxaana ujeedkoodu ahaa laba gaari oo TPEC leedahay oo sida qalabkii diiwaan-gelinta kuwaas oo ay sii gelbin lahaayeen 7 gaari oo tikniko ah oo Garoowe maanta ka bixi lahaa, waxaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha Puntland ciidamo ka dalbadey magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho. Guddiga doorashooyinka ee TPEC ayaa baajiyey gawaaridii ay maanta u diri lahaayeen Bosaso, taas oo fududeysey in malayshiyada jidka galay ay isaga baxaan alkaas.

Ururka dowladda ee KAAH kama fiirsan, ololaha ay ugu magacdareen sagaalka maalmood ee wacyi gelinta iyo ololaha doorashada, waxaana ay ku soo afjareen shaqadii shacabku ka sugaayey TPEC in ay qabato, kadib markii ay si cad u jebiyeen xeerka diiwaan-gelinta codbixiyaasha qodobadiisa 2, 29 iyo 33, sidoo kale ay jebiyeen xeerka doorashooyinka qodobadiisa ka hadlaaya ollaha doorashada.

Marka arrimahan la isku xooriyo ayey tilmaamayaan soorta la cuni doono sida ay u ekaan doonto, doorasho boob ah, lagu hoggaaminaaya gumuca dhashiikaha, natiijadeeduna tahay hoog.

Horseed Media