Olole Dastuurka Loogu Soo Bandhigayo Shacabka oo Ka Bilowday Hirshabelle

Published: March 2, 2020

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda federaalka ayaa maanta ka bilowday magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabelle Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 100 qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalda Jowhar.

Kulankaan oo socon doona muddo saddex maalin ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay iyadoo dirradda lasaarayo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida awood qaybsiga, maqaamka caasimadda, hannaanka cadaaladda, hannaanka maaliyadda, aminga iyo khayraad wadaagga.

Ujeedada kulanka wacyigelinta ah ayaa ah in sare loo qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo in ay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha wacyigelinta wasaaradda dastuurka XFS Abdikani Ali Adan ayaa ugu horrayn sharaxay ujeedooyinka kulanka wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka, waxa uu sheegay in ujeedadu tahay in 

dadka ku nool jowhar ay aragtidooda ku biiriyaan dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay fahmaan qodobadda ku jira dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.

Agaasime abdikani ayaa xusay in ololahan uu socon doono muddo saddex bilood ah, iyadoo wasaaraddu ay ku soo qabatay kulamo nuucaan oo kale ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Dastuurka Hirshabelle, Mudane Xil. Sadakh Mukhtar oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa uga mahadceliyay wasaaradda dastuurka XFS in kulankan ay ku qabato jowhar si dadka reer hirshabelle ay wax uga ogaadaan geedi socodka taarikhiga ah ee dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay aragtidooda ku biiryaan.

“ Waxaa sharaf u ah dadka reer hirshabelle in ay aragti ku yeeshaan geedi socdka dib-u-eegista dastuurka, maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, Dastuurku wuxuu ku meel gaarka uga bixi karaa 

in sidaan oo kale loola tashto dadka fikradohoodana ay ku daraan” ayuu yiri Wasiir Saadaq Mukhtaar.

Dadakii ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo laxiriira maqaamka caasimadda, awwod qaybsiga, qoondada haweenka, iyo arrimo kale waydiiyay khuburada ka socday wasaardda dastuurka.

Kulankaan ayaa ah kulankii saddexaad oo ay qabato wasaaradda dastuurka, iyadoo kulammo nuucaan oo kale ah lagu qabtay Banaadir iyo Baydhabo, waana olole baahsan oo lagu qaban doono dhammaan dowlad goboleedyada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee dowladda Federaalka ayaa ka horyimid howlaha dib-u-eegista dastuurka ee dowladda federaalka Somaliya ay wado.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *