OPINION: Mala Badbaadin karaa Puntland? (qaybtii 3-aad)

Published: February 17, 2012

Waxan ku bilaabayaa Eebe Wayne Magaciis Naxariis iyo Nabadgalyo Nabi Mohamed CSW korkiisa ha ahaato intaa ka gadaal.

Arar:

waxaan ujeedaa oo aan qoraalkan udirayaa qofkasta oo rajo ay kaga jirto dantaguud, waxa laga yaabaa inaan taabto boogo badan, waxaa laga yaabaa inaad uqaadato inaan adiga kuula jeedo qoraalkan, waxaa laga yaabaa nin jeclaysigaagu inuu dhafo inaad miisaanto qoraalkan, waxaa laga yaabaa inaad kufaraxdo qoraalkan adoo ujeeda maamulka maanta inuu taabanayo lakiin ogaw waa qoraal ku khuseeya markaad adna madaxda dalka noqoto.

Waxaan horay ugasoo hadlay qoraalo kale oo magacaan watay, qoraaladaas oo kahadlayey waqtigaa waxa taagnaa ee ahaa dilaalka qorshaysan iyo maamulka siduu umaareeyo amaba uu usugo amniga oofaraha kabaxay, oo aynu wada ogsoo nahay dadkii wadanka xulkiisa ahaa, amaba biiri magaydada ahaa inaynu kuwaynay, tasina aysababtay qoraalkan aan ugu magacdaray” Mala Badbaadin Karaa puntland” runtii halku dhigaan waa halkudhig su’aal mudan, loona baahan yahay qofkasta oo damiir,dadnimo iyo wadaniyad lehba uu iswaydiinkaro, maxaa yeelay inaan wax badbaadinaa waxay ka mid tahay Damirka qofnimo, inaan wax badbaadinaa waxay kamid tahay Dadnimada ama Nafta inakujirta, Inaan wax badbaadinaa waxay kamid tahay Wadaniyada qof ahaaneed eeku jirta muwaadin kasta oo ku nool dhulka uu udhashay, taaasi waxay ku tusinaysaa halkudhiga layiraahdo HALYAY amaba HALGAMAA,Somaliyi waxay aad ugu faani jirtay Halgamaa badan oo soomaray taariikhda inta la ogyahay ee somaliyi jirtay, gobol kastaana wuxuu lahaa mid ugaara oo uu ugufaano gobolka kale, Beel walbaana waxay lahayd halgamaa oo ay ugufaani jirtay beelaha kale, laakiin nasiib daro waxay noqotay in sifudud ay ubaa ba’ado sumcadaasi oo aanay ogayn dadka hada iyagu talada haya amaba halgamaa inay yihiin sheeganaya iyagu siday latahay, mase oran karnaa HALGAMAA waxaa badalay HOGKUTUURE oo isagu kaligiis taliye ah.

HOG KU TUURE!

Puntland waxay ahayd madal laysugu tagay miro kasoo baxay mase ahayn mooro minankale joogta, waxaan wada ogsoonahay mirihii kasoo baxay madashii lagu yagleelay Puntland mamul dad wada qanciyaa inuusan noqon laakiin waxba ay waxdhaameen, Afmaroorsi wuxuu bilaabmay markii Dastuurka qodob hebel iigasaar aan anigu xilka sii hayee taas oo keentay, bulshadii kudhaqanayd deegaanada puntland ee iyaga nabada doonayay inay dhagta dhiiga isu daraan, Dastuurkii markaa lalahaa hala badalo aan anigu xilka sii hayee dadbaa diidanaa oo lahaa danta Dawladu kuma jirto, Danta shacabku kumajiro iyo Danta fursad inloo wadahelaa Madaxnimo kujirto, Dadkii sidaa ku qaylinaayay haday iyagu wixii ay dadku haysteen maanta lagu haysto, ayna oran jireen kuwii iyaga ka horeeyay waa HOGKUTUURE iyagu HALGAMAA manoqonayaan? waa su’aaal utaal runtii muwaadin kasta oo reer Puntland ah oo aysan kujirin caadifad nin jeclaysi ah.

HALGAMAA!!!

Halgamaa waan ku maqalnaaye isu kaaya sheeg?

ma wiilkii qoray ridayay 22 sano ee dhiigiisu ku baxay inuu difaaco hogkutuure ayaad tahay? mise waxaa tahay nin shaarba dheeroo Dastuurka isagu ubadalayay hadbaki calaq utuura? ma waxaa tahay qabiilka qarmuun ee qaanta iyo qoomamadu hayso ee somali kala qixiyay? mise waxaa tahay odayaal duub iyo jeeba waynoo dhagtiisu hooda kaliya maqasho? ma waxaa tahay siyaasi dooroo dantiisa inuu kugaaro qabiilku ay udoordeen shacabka inuu dooxo biladaha loogu galiyo? MAYA MAYE waxaan ahay Danta guud ninkaa haya, doqontuna ay umoogtahay! Halgamaa wuxuu yahay AXMED GURAY iyo dhigiisii diin ay udirireen, xoreeyeen dalkeenii naftoodiina uhuray taas oo keentay inay taariikhdu xusto inbadan, Halgamaa wuxuu yahay SAYID MAHAMED iyo dhigiisii oo iyaguna tubtii kuwii kahoreeyay maray taariikhduna ay xustay, Halgamaa wuxuu yahay SYL willashii ahaa ee iyagu gobonimo udiriray libintii iyo guushiina soo hoyay taariikhduna ayku raacday geesinimadii ay sameeyeen, Halgamaagu maaha nin qabiil udirira oo kafakara dantiisa kaliya, Halgamaagu maaha nin umadi waxay leedahay qoys qura ku baraariya dadka kalena ayka qatan yihiin, Halgamaagu maaha nin kaligiis taliye ah oo aan aqon danta guud ay umadi leedahay dadka kalena aansiin fursada dawladnimo, Halgamaagu maaha nin tayda haday shaqayn waydo hog aan kutuurno inta kale, si aanay waxba ubad baadin maxaa yeelay taydiiba waayay taada miyaan samayn karayaa maba karee.

Afeef ii gaar ah

waxaan ka afeefanayaa inaanan qoraaladayda aanan ula jeedin cidgaara, dad badan ayaa igu colaadiya markaan magaalo gaar utaabto amaba aan shaqsi gaar ah wax uga sheego, waxaan codsan lahaa inlakala saaro madaxdeena iyo ninjeclaysi nimada, Tusaale: Madaxwayne Abdiraxman Faroole maaha inuu adiga kula dhashay ama uu adiga madax kuu yahay marka khaladkiisa toosh lagu ifiyano aad Email habaar ah soo dirto, runtii waxaan kaloo ka afeefanayaa inaan sigaara aanan magaalo u weerarin laakiin hadaan isheego cadaalad daro kajirta gobolada inaan si siman wax loogu qaban maaha inaan lid ku ahay magaaladaas,

waxaan kusoo gunaa nadayaa taariikhda ayaa qoraysa ninka wax uqabta dalkiisa iyo nin ayaamo madaw ku sagootiya dadkiisa iyo dalkiisa waxaana rajadaydu tahay inaan wax qabsano, madaxdeenu wanaagsanaato si aynu uga baxno mugdiga badan ee aynu dhexlugay nayno una helbo iftiin aan kunoo laano taasina waxaa keeni kara Alle inaan ka cabsano mar walba iyo marxalad kasta oo aynu ku suganahay.

mahadsanidiin

Geedka Dhamasa Hoostiisa

Qore: Jaabir Xuseen Gacayte

Email: Yaarabi-janah@hotmail.com