Pakistan iyo Maraykanka oo hadalo kulul is dhaafsaday

Published: January 3, 2018

Dowlada Pakistaan ayaa ka jawaabtay cambaareynta uga timid Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku eedeeyey dowladaasi inay si hoose u taageerto kooxaha argagaxisada ah ee ka dagaalama Afghanistan.

Xiisadan cusub ayaa bilaabatay kadib markii Donald Trump uu bartiisa Twitterka Isniintii ku qoray qoraal uu si adag ugu cambaareeyey dowlada Pakistaan.

Trump ayaa sheegay in Maraykanka 15kii sano ee lasoo dhaafay dhaqaale gaaraya 33 bilyan oo dollar siiyey Pakistaan, balse waxa kaliya ee aan ka helnay Pakistaan waa been iyo khiyaano, ayuu yiri.

Donald Trump ayaa sheegay inay jari donaan deeqdii ay siin jireen dalka Pakistan, maadaama dowladaasi ay gabaad siiso kooxaha ka dagaalamaya Afghanistan ee weerarka ku ah ciidamada Maraykanka iyo kuwa NATO dhulkaasi ku sugan.

Raysalwasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi ayaa Salaasadii shalay kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha iyo Taliska militariga dalkaasi, waxaana kulankaasi kadib laga soo saaray qoraal lagu sheegay in Maraykanka uu meel uga dhacay xiriirka ka dhaxeeyey labada dal.

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in dowlada Pakistan ay tahay dowladii qaaday dagaalkii ugu balaarnaa ee ka dhanka ah argagaxisada, balse aysan ogolaan doonin in meel looga dhaco wixii wanaag ahaa oo ay sameysay.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Pakistan Khawaja Asif ayaa isaguna sheegay in Maraykanka uu doonayo in eeda fashilka ka raacay dagaalka Afghanistan uu dusha u saaro Wadanka Pakistan.

Xiriirka labada dal ayaa sanadihii danbe ahaa mid sii xumaanayey, Pakistaan ayaa sanadihii lasoo dhaafay sii xoojineysay xiriirka ganacsi iyo militari oo ay la leedahay Ruushka iyo China.

Hadalka kasoo yeeray Trump ayaa keenay banaanbaxyo shalay ka dhacay wadanka Pakistan oo looga soo horjeeday Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *