Pakistan: Kakar ayaa loo dhaariyay inuu noqdo ra’iisul wasaare ku meel gaar ah

Published: August 14, 2023
Shares26

Siyaasiga caanka ah ee Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa sii hayn doona xilka ra’iisul wasaaraha ilaa inta ay doorasho ka dhacayso. Xafladan oo lagu xusayo maalinta xoriyada Pakistan ayaa kusoo beegmaysa xili dalkaasi ay ka socdaan qalalaase siyaasadeed.

Anwaar-ul-Haq Kakar, oo hore u ahaa senatar ka tirsan gobolka Baluchistan, ayaa Isniinta maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxa xukuumadda ku meel gaarka ah ee Pakistan oo kormeeri doonta doorashooyinka baarlamaanka si dastuuri ah 90 maalmood gudahood.

Kakar ayaa xilka kala wareegaya Shehbaz Sharif oo xilka la wareegay April 2022 ka dib markii uu muran ka dhashay afgambigii hore ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee caanka ahaa Imran Khan oo baarlamaanka codka kalsoonida ah u qaaday.

Dalka Pakistan, waxaa caado u ah in maamul ku meel gaar ah loo magacaabo xilliga doorashada. Baarlamaanka ayaa si rasmi ah loo kala diray todobaadkii hore.

Waa kuma Anwaar-ul-Haq Kakar?

Kakar, oo Isniintii lagu dhaariyay xaflad si toos ah looga sii daayay TV-ga, ayaa tan iyo sannadkii 2018-kii ku matali jiray gobolka Baluchistan aqalka Senatka.

Waxa uu iska casilay hogamiyaha xisbiga yar ee Baluchistan Awami Party iyo Senator-nimadii Axadii ka dib markii Sharif iyo hogaamiyaha mucaaradka Raza Riaz ay u magacaabeen ra’iisul wasaare ku meel gaar ah.

Ra’iisul wasaaraha xilka ka sii dagaya Shariif ayaa khudbad sagootin ah u jeediyay galinkii dambe ee Axadii ku yiri “Waxaan ku kalsoonahay in ra’iisul wasaaraha KMG ah uu awood u leeyahay inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Kakar ayaa marka hore qabanaya shaqada soo xulista Gole Wasiiro oo ilaalin doona howl maalmeedka dalka ee doorashada, taasoo dadka indha indheeya ay dareemayaan in ay dib u dhac ku imaan karto qeyb ahaan sababo la xiriira qalalaasaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee soo wajahay Bakistaan.

Waxaa ka mid ah, riditaanka Khan in ay qeyb weyn ka qaadatay kala qeybsanaan xooggan oo dalka ka jirta.

Waa maxay dhibaatooyinka Pakistan wajahaya?

Pakistan waxa ay ku jirtay jahawareer siyaasadeed oo aad u ba’an tan iyo markii Khan xilka laga xayuubiyey kadibna lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, isaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, lagana reebay shan sano inuu u tartamo xafiiska.

Mas’uuliyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay qaadayay tallaabo adag oo lagu caburinayo xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) bilihii la soo dhaafay, waxaana la xirey saraakiil badan ooxisbigiisa ka tirsan iyo weliba taageerayaal.

Pakistan ayaa sidoo kale sanadihii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad jahawareer dhaqaale, iyadoo uu ka jiro musuq-maasuq baahsan, cudurka faafa ee coronavirus iyo masiibooyinka dabiiciga ah oo dhamaantood dhaqaalaheeda geliyey cadaadis daran.

Bishii Luulyo, Hay’adda Lacagta Adduunka waxay ansixisay $ 3 bilyanoo ah xirmo badbaadinta dalka ah si ay gacan uga geysato xasilinta dhaqaalaha sii xumaanaya.

Hanad Askar
Horseed Media