Pakistan oo duqeymo ka geysatay Afgaanistaan

11 hours ago

Weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha dalka Afghanistan tan iyo bishii March ayaa yimid kadib weeraro is daba joog ah oo ay fuliyeen Talibanka Pakistan.

Ciidamada Pakistan ayaa xalay saqdii dhexe weerar cirka ah ka fuliyay dalka ay dariska yihiin ee Afgaanistaan, iyagoo beegsaday goobo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxda Talibanka Pakistan, oo loo yaqaano TTP.

Inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan iyo garabka warbaahinta militariga, ayaa haddana dhanka kale waxaa, ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in weeraradu ay ka dhaceen degmada Barmal ee dalka Afgaanistan, una dhaw degmada qabaa’ilka Koonfurta Wasiristaan ​​ee dalka Pakistan ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Dowladda ku meel gaarka ah ee Afgaanistaan ​​oo ay maamusho Taalibaan ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarada balse waxa ay ku adkeysaneysaa in dad rayid ah la beegsaday. Xafiiska afhayeenka Taliban ayaa sheegay in ugu yaraan 46 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay duqeymaha cirka.

Duqeymaha cirka ah, oo la qaaday markii labaad sanadkan, ayaa yimid saacado uun ka dib markii wakiilka gaarka ah ee Pakistan u qaabilsan Afgaanistaan, Mohammad Sadi, uu magaalada Kabul kula kulmay wasiirka ku meel gaarka ah ee arrimaha dibadda Afghanistan Amir Khan Muttaqi.

Booqashada Sadiiq ee Kabul, oo sidoo kale ay ku jirto kulan uu la yeeshay wasiirka ku-meel-gaarka ah ee arrimaha gudaha Afgaanistaan ​​Sirajuddin Haqqani Isniintii, ayaa dhacday iyada oo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal ee deriska ah, waxaana loo badinayaa in xiriirku sii xumaado ka dib weeraradii habeenkii Talaadada.

Horseed Media