Pakistan oo tarxiileysa dadka sharci la’aanta ah, oo ay ugu horeeyaan reer Afgaanistan

Published: October 4, 2023

War kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in loo qabtay illaa 1da bisha soo socota ee November inay dalkaasi isaga baxaan dhamaan dadka aan heysan dal ku jooga oo ay ku jiraan qaxootiga kasoo jeeda Afghanistan oo gaaraya 1.73 milyan oo qof.

Wasiirka arrimaha gudaha Sarfraz Bugti ayaa Talaadadii sheegay in 14 kamid ah 24 qarax oo ismiidaamin ah oo dalkaasi ka dhacay sanadkan, ay fuliyeen muwaadiniin u dhashay dalka Afgaanistaan.

“Shaki kama jiro in nalaga soo weeraray ​​gudaha Afgaanistaan ayna ku lug leeyihiin weerarrada, Waxaan haynaa caddayn.”

Sarfraz Bugti, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan

Bugti waxa uu sheegay in dad lagu qiyaasay 1.73 milyan oo u dhashay Afgaanistaan ku sugan Pakistan aanay haysan wax waraaqo sharci ah oo ay ku joogaan, isaga oo intaa ku daray in guud ahaan 4.4 milyan oo qaxoonti Afgaanistaan ah ay ku nool yihiin Pakistan.

Horseed Media