Pakistan oo xirtay 146 qof xilli ay wado baaritaanno la xiriira weeraro lagu qaaday kaniisadaha

Published: August 17, 2023

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa bilaabay baaritaan waxayna xireen ugu yaraan 146 qof gobolka Punjab maalin ka dib markii koox muslimiin ah ay gubeen shan kaniisadood iyo tobanaan guri oo ay ku noolaayeen bulshada Masiixiyiinta ah, iyagoo ku andacoonaya inay aflagaadeeyeen diinta Islaamka.

“Waxaan sii wadeynaa howlgalada aan ku xireyno kuwa kale ee ku lug leh,” Isbatooraha Guud ee Bilayska Punjab Usman Anwar ayaa yiri maanta oo Khamiista ah, maalin ka dib markii boqolaal qof ay weerar ku qaadeen guryaha Masiixiyiinta iyo goobaha cibaadada ee magaalada Jaranwala ee degmada Faisalabad oo qiyaastii 115 kiiloomitir uga beegan koonfur-galbeed caasimadda gobolka, Lahore.

Wararka ayaa sheegay in bogag Qur’aanka ah oo jeexjeexan, laga helay agagaarka deegaanka Jaranwala’s Isa Nagri (xaafada Masiixiyiinta), taasoo dhalisay mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee ka dhanka ah bulshada laga tirada badan yahay.

Kaniisadda Salvation Army ee ku taal Jaranwala ayaa ka mid ahayd shanta kaniisadood ee la burburiyay. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rag kor saaran saqafka sare ee kaniisada oo ah tan ugu weyn magaalada. Qaar ka mid ah muuqaallada lagu sii daayay X (Twitter) ayaa muujinayay saraakiil ka tirsan booliiska oo dhex taagan dad badan oo daawanayay iyadoo kooxihii weerarka geystay ay sii wadeen burburinta kaniisadaha.

Guryo, goobo ganacsi iyo qabuuro ay leeyihiin bulshada Masiixiyiinta ah ayaa sidoo kale la beegsaday iyadoo rabshaduhu wada saameysay magaaladaasi oo ay degenyihiin 230,000 qof.

Kumanaan ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa la geeyay si ay u xakameeyaan rabshadaha socda.

Horseed Media