Pakistan: Taageerayaasha Imran Khan oo isu soo-bax ka dhigay magaalada Lahore

Published: October 29, 2022
Shares96

Dibad-baxayaal kumanaan ah oo kamid ah taageerayaasha Raii’sal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, ayaa isku soo baxay ka dhigay magaalada Lahore.

Mudaaharaadyadan ayaa lagu dalbanayaa in doorashada madaxtanimada ee dalkaasi waqtigeeda laga soo hormariyo.

Imran Khan oo taageerayaashiisa la hadlay ayaa labo sarkaal oo millatari ah ku eedeeyay inay jirdileen nin ka tirsan xisbigiisa.

Dowladda ayaa iska fogeysay eedeymahaasi.

Raii’sal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa horey ugu baaqay banaanbaxyo muddo hal isbuuc ah ka socon doona, inta u dhaxeysa magaalada Lahore ilaa iyo magaaladda caasimadda ah ee Islamabad.

Horseed Media