Paris: Booliiska oo weerar ku qaaday mudaharaad lagu taageerayey Falastiin

Published: October 13, 2023

Booliiska Faransiiska ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u burburiyaan isu-soo-bax la mamnuucay oo lagu taageerayay shacabka Falastiin oo habeenkii Jimcaha soo galayey ka dhacay magaalada Paris.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay inay illaaliyaan midnimadooda, iyadoo laga cabsi qabo inay wadankaasi ku faafto colaadda Israa’iil iyo Xamaas, dalkaasi oo ay ku nool yihiin jaaliyadaha ugu waaweyn ee Muslimiinta iyo Yahuuda Yurub.

Weerarkii ka dhacay dhulka Israel heysato oo ay geysatay kooxda Xamaas ayaa waxaa dadka lagu dilay kamid ahaa ugu yaraan 13 qof oo u dhashay Faransiiska. Sidoo kale 17 kale oo ay ku jiraan caruur heysata dhalashada Faransiiska ayaa la la’a yahay iyadoo la rumeysan yahay inay ku jiraan dadka ay qafaasheen dagaalyahanada Xamaas.

Macron ayaa sheegay inuu dadaal xoogleh ugu jiro sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen dadka la afduubtay.

Khudbadda Macron ayaa timid iyadoo ay sare u sii kacayaan weerarada Yuhuuda nacaybka ah ee ka dhacaya guud ahaan Faransiiska tan iyo markii Sabtidii ay Xamaas weerareen Israa’iil.

Faransiiska oo mamnuucay banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin

Gérald Darmanin, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska, ayaa amar ku bixiyay in la mamnuuco “mudaaharaadyada lagu taageerayo Falastiin” isagoo ku dooday inay abuurayaan khalkhal ku yimaada amniga.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegay in la xidhi doono haddii loo baahdo, gaar ahaan ” qabanqaabiyeyaasha [mudaharaadka] iyo qas-wadayaasha”, waa siduu hadalka u dhigayee.

Horseed Media