PARIS: Taageerayaasha kooxda PSG oo rabshado dhigay kadib guuldaradii Finalka Champions League

Published: August 24, 2020

Kooxda Paris Saint-Germain (PSG) ee dalka Faransiiska ayaa waxaa xalay 1-0 uga guuleystay Kooxda Bayern Munich (Germany) ciyaartii Finalka ee koobka Champions League.

Shan kun oo kamid ah taageerayaasha PSG oo isugu soo baxay inay ciyaartan ka daawadaan telefishino lagu rakibay Stadiumka Parc des Princes ayaa caro darteed bilaabay banaanbaxyo rabshado wata kadib markii ciyaarta dhamaatay.

Taageerayaasha PSG ayaa isku diyaarinayey inay u dabaal degaan guushii ugu horeysay oo ay kooxdaasi ka gaarto koobka ugu muhiimsan horyaal kooxaha Europe, balse goobta kala tagay caro iyo niyad-jab weyn.

Qaar kamid ah taageerayaasha kooxdaasi ayaa weerar ku qaaday Booliiska magaalada Paris ee ku sugnaa nawaaxiga Stadiumka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *