Philipines: Kooxda Abu Sayef oo dilay nin u dhashay dalka Germany

Published: February 28, 2017

Kooxda Abu Sayef ayaa dilay mid kamid ah dadka ajaanibta ah ee u afduubnaa, kadib markii la bixin waayey lacag madax-furasho ah oo ay codsadeen.

Ninkan lagu magacaabo J├╝rgen Kantner ayey afduub ku heysteen tan iyo bishii November.

Wuxuuna ahaa 70 sano jir u dhashay dalka Germany oo dalxiis u tagay dalkaasi Filibiin.

Dowlada Filibiin ayaa diiday inay bixiso lacagta madax furashada ah oo ay codsadeen kooxdaasi falaagada ah oo gaareysay 600.000 dollar.

Abu Sayef ayaa shaaciyey filim muujinaya dilka ninkaasi oo ay qoorta ka jareen. Xukuumada Filibiin ayaa sheegtay in kooxdan ninkan Jarmalka ah dishay maadaama uu jiranaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *