PM Xamse Cabdi oo guddoomiyey shir gaar ah oo looga hadley bedqabka cunnada

Published: April 29, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara oo looga hadlaayey hannaanka sugidda bedqabka cuntada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.

Mudane Xamse ayaa sheegay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa muddooyinkii danbe isbeddel weyn ku samaysey xogta dalka gaar ahaan xogta iyo warbixina la xiriira cunnada

Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Sharmarke Farah, la-taliyaal ka tirsan xafiiska Rayslawasaaraha iyo masuliyiin kale.

HORSEED MEDIA