Prof. Cabdiweli oo madax ka socota dalalka Spain, India, iyo South Africa Nairobi kula kulmay

Published: February 3, 2012

Ra`iisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay usoo dhamaatay booqasho uu beryihii u danbeeyey ku joogey dalka Talyaaniga ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Ra`iisul wasaaruhu wuxuu magaalada Nairobi kulamo kula qaatay madax ka socota dhowr dal oo ay kamid yihiin dalalka Sapain, India, iyo South Africa, waxayna ka wada hadleen sidii dalalkaasi ay Soomaaliya Safaarado uga furan lahaayeen.

Prof. Cabdiweli oo intaas kadib Saxaafadda shir ugu qabtay xafiiska Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa ka warbixiyey waxii ay isla soo qaadeen ma`suuliyiintii 3-daas dal metelayey ee uu magaalada Nairobi ku kulmay.

Wuxuuna sheegay in 3-daas dal oo dhamaantood ah kuwo Soomaaliya dano dhaqaale iyo Siyaasadeed ka leh ay ka wada hadleen arimo ay kamid tahay fulinta mashaariic horumarineed oo horay u xanibnaa, la dagaalanka Burcad-badeeda, iyo xoojinta xiriirka ganacsiga iyo midka Siyaasadeed labadaba.

Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu ugu danbeyntii sheegay in dhamaan dalalkani ay iyagu codsadeen in ay Soomaaliya Safiiro usoo dirsadaan, dowlada Soomaaliyana ay codsigaas ay u soo jeediyeen ka aqbashay.

Horay dalka Soomaaliya waxaa Safiiro ugu soo dirsaday dalal badan oo ka kala tirsan midowga Yurub, Midowga Africa, iyo Jaamacadda Carabta, shalay ayayna ahayd markii Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya uu warqadihiisii aqoonsiga usoo gudbiyey madaxweynaha DFKG Shariif Sheekh Axmed.

 

Horseed Media