Prof Gaas: ” Wejiga 2-aad ee shirka Garoowe dhowaan ayuu qabsoomayaa”

Published: February 11, 2012

Ra’iisul wasaaraha DKG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaybta 2-aad ee shirkii wadatashiga heerka qaran ee Garoowe ay dhowaan qabsoomi doonto.

Prof. Cabdiweli ayaa intaas ku daray inay socoto qaban qaabo ku aadan sidii shirkaas oo arimaha Federalku ay ugu weyn yihiin waxyaabaha looga hadlayo uu u qabsoomi lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in qaybta 2-aad ee shirka wadatashiga ee Garoowe oo ay qaybtiisi hore dhinacyo badan oo Soomaali ahi kasoo qayb galeen uu dhici doono bishan Feb gudeheeda.

Mr Gaas wuxuu dhinaca kale tilmaamay in shirakani uu muhiim u yahay dhamaystirka Road Map-ka si looga gudbo marxaladda KMG ah oo ay Soomaaliya in mudo ah kusoo jirtey.

Qaybta 1-aad ee shirka wadatashiga Garoowe oo lasoo gaba gabeeyey 24/12/2011 ayaa waxaa arimihii diirada lagu saaray kamid ahaa turxaan bixinta Dastuurka iyo dib u eegista tirada Baarlamaanka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Shirka Garoowe wuxuu daba socdaa mid horaantii bishii Sep/2011 ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo isna ku aadanaa sidii ay dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya ku lugta lihi uga tashan lahaayeen ayaaha dalkooda si nabad iyo xasilooni loogu soo dabbaalo.

Arintan ayaa u muuqataa mid dhabaha u xaareysa balanqaadyo ay DKG ah ee Soomaaliya horay u samaysay oo ku aadanaa in laga guuro KMG nimada taas oo xiligii loo qorsheeyey ay bilo koobani ka harsan yihiin.

 

Horseed Media