Prof Ismaaciil Buubaa oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Published: April 5, 2023

Alle ha u naxariistee waxa maanta geeriyooday Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Soomaaliya.

Prof Ismaaciil Buuba ayaa Mudooyinkii udanbeeyey Xaalad Caafimaad u jiifay mid kamid ah Cisbitaalada dalka ku yaalla dalka Turkiga.

Ismaaciil Hure Buubaa waxa uu Soomaaliya ka soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare ku-xigeen,  wasiirkii arrimaha dibeda iyo Wasiirka Maaliyada, isagoo sidoo kale noqday Wasiirkii ugu horeeyey Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Marxuum Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa kamid ahaa aqoonyahanadda Soomaaliyeed isagoo haystay shahaadada sare ee PhD-da.

Horseed Media