Puntland: 147 Qof Oo Laga Helay COVID19

Published: October 4, 2020

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta oo Axad ah shaacisay dad aad u badan oo laga helay cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo ku kala sugan deegaanno ka tirsan Puntland.

Baaritaan lagu sameeyay 665 Qof, 24 September ilaa 03 October 2020 ayaa xanuunka Covid19 laga helay 147 qof oo kamid ah, taas oo noqonaysa 22%.

Dadka xanuunka laga helay ayaa kala jooga Garowe 99 qof, Boosaaso 6 qof, Iskushuban 14 qof, Bargaal 7 qof, Xaafuun 4 qof, Bayla 9 qof, Qandala 5 qof, Eyl 9 qof iyo Gaalkacyo hal qof, dadka xanuunka laga helay ayaa da’doodu u dhaxaysaa 1 sano ilaa 75 sanno, waxaana ka bogsaday 9 qof.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa hada gaartay 668 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 240 qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *