Puntland – Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Ganac-Maroodi

Published: November 17, 2019
dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Wararka ka imaanaya degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay gacan ku haynteeda la wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalyahanada qabsaday deegaanka Gacan-Maroodi ayaa tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 70 dagaallame.

Askartan ayaa sida la sheegayo ka soo degay buuraleyda Calmadow ee gobolkaasi Sanaag waxaana ay gacanta ku dhigeen degaanka istiraatiijiga ee Gacan-Maroodi oo muhiim u ah isku xirka gobolka.

Wararku waxay sheegayaan in dagaallamayaasha oo aad u hubaysan ay dhufaysyo ka samaysteen aga’gaarka waddo hawlbowle ah oo halkaasi ku taalla islamarkaana laga cabsi qabo in ay weerar ku qaadaan degmada Yubbe.

Dhawaan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Af-Urur ee gobolka Bari halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka difaaca Puntland haddana Al-shabaab ayaa dib looga riixay degaankaasi.

Horseed Media kala soco wararka kasoo kordha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *