Puntland: Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Horjooge Ka Tirsan Daacish

Published: June 26, 2023

Ciidanka Booliska Puntland ayaa hawlgal ay ka sameeyeen aaga deegaanka Camaamo oo u dhow degmada Balidhidin ee gobolka Bari laguna beegsanaayey maleeshiyaadka Daacish, waxay sheegeen inay gacanta kusoo dhigay ajaaniib u dhashay dalalka Suudaan iyo Suuriya uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha.

” Hawlgalka ayaa kusoo aadaya xili Daacish ay kusoo kordhayaan Ajaaniib badan,Horaantii Jan 2023 ayay ahayd markii hawlgalo ay fuliyeen ciidanka Booliska Puntland lagu dilay Madaxii hawlgalada Daacish Abu Albara Al amani oo udhashay gobolka Amara ee wadanka Itoobiya.” ayaa lagu yiri; War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Puntland.

Ciidanka Boliiska Puntland oo kaashanaya xuuraankiisa ayaa wada qorshe balaaran oo lagula dagaalamayo argagixisada Daacish iyo Alshabaab.

Horseed Media