Puntland: Ciidamada Booliska oo qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday

Published: March 3, 2024

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa kantaroolka galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo hay’adaha amniga la socdeen dhaqdhaqaaqooda.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah,

1. Faisa Cali Maxamed 2. Cabdi Axmed Cusmaan. 3. Haaddi Cumar Cilmi 4. Cabdi Maxamuud Cali 5. Saalax Cabdulqaadit Mahad.

Qalabka ay leeyihiin Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP. 2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) – Laboratory 3. Biisooyin Kaashwito 4. Kabo balistig ah. 5. Envactar kuwa solar loo isticmaalo. ( Inverter solar energy system) 6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Laanta baarista CID ee gobolka Nugaal ayaa horay usii haysay xogta ah inay kusoo fool leeyihiin dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen oo ku socday buuralayda gobolka Bari, kuwaas oo laga keenay gobolada koonfurta dalka.

Horseed Media