Puntland: Ciidamada Galmudug Baa soo weeraray Degmada Towfiiq [ DAAWO]

Published: December 9, 2019

Gollaha xukuumadda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadlay dagaalka ka socda degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan Maleeshiyo beeleedyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland C/raxmaan dhabancad oo maanta ka hadlayay shir lagu qabtay magaaladda Bosaso ayaa sheegay in Ciidamada maamulka Galmudug ay soo weerareen degmada Towfiiq oo ka tirsan Puntland.

Wasiirku wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaankaasi, islamarkaana la ilaaliyo nabadii iyo xasiloonidii mudada dheer laga soo shaqaynayay ee u dhaxaysay Puntland iyo Galmudug.

” aad iyo aad baan uga xunahay xiligan maanta aynu marayno in dadku weli u ciilqabaan inay adeegsadaan baabuur waaweyn oo tikniko ah oo la isku laayo dad walaalo ah oo deris ah iyo maamul deris ah” Sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland c/raxmaan Dhabancad

Dhinaca kale, Dagaal culus oo saaka mar kale dib uga bilowday degaanka Towfiiq kaasi oo u dhexeeya maleeshiyo Beeloodyo ku hubaysan hub culus iyo gawaari dagaalka. Wararku waxay sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo labada dhinac ah, hase yeeshee ma jirto warar rasmi oo sheegaya tirada dhimashada iyo dhaawaca.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *