Puntland: Diiwaangelinta Musharaxa Madaxweynaha Oo Laga Dhigay $30,000 Kun

Published: January 5, 2024

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Guddiga doorashada ayaa soo saaray sharuudaha laga doonayo musharaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Musharaxa madaxweynaha ayaa laga rabaa inuu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan $30Kun oo doollar, sidoo kale musharaxa madaxweyne kuxigeenka ayaa isna laga doonayaa $15Kun oo doollar, waxaana mudada diiwaangelintu soconayso ay tahay labo berri (5-6) Janaayo/2024.

Doorashada madaxtooyada ayaa ku beegan labo maalin kadib oo ah isiinta soo socota 08/Janaayo, iyadoo musharaxiinta mucaaradka ay shalay ku dhawaaqeen isbahaysi ay ku midoobeen si ay talada uga tuuraan madaxweyne Deni.

Shalay ayay ahayd markii si rasmi ah loosoo gabagabeeyay doorashada hoggaanka baalamaanka, waxaana la doortay wajiyo cusub oo ay si wadajir ah ugusoo hambalyeeyeen madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Horseed Media