Puntland iyo Dawlada Federaalka oo ku heshiisyay in ay wada shaqeeyaan?

Published: October 9, 2019

Wafdigii Wasiiradda ahaa ee ka socday DFS oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ayaa Cadeeyay ineysan Puntland isku waafaqin Arimaha Doorashada Jubbaland iyo Aqoonsigeeda, Waxeyna Sheegeen iney Arintaasi weli ku kala aragti duwanyihiin, Puntlandna Aqoonsantahay Doorashada Axmed Madoobe.

Balse Wasiirka Arimaha Dibadda ayaa sheegay iney ku guuleysteen in la soo celiyo Xiriirkii ka dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Puntland. Wasiir Cawad sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ay wadaan qorshe lagu samaynayo xasilooni siyaasadeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *