Puntland iyo Galmudug oo go’aamo kasoo saaray colaaddii galbeedka Mudug

7 hours ago

Puntland iyo Galmudug oo nabad ugu baaqay beelaha Sacad iyo Leelkase

Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:-

1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.

Horseed Media