Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaarey magaalada Muqdisho -SAWIRO

Published: January 1, 2017

Madaxweynaha maamulka Puntland iyo kan Galmudug ayaa maanta mar kale heshiis ka kooban saddex qodob uga dhawaaqey magaalada Muqdisho. Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Shirka labada dhinac u socdey saacadihii u danbeeyey ayaa ahaa mid aan horey loo shaacin oo saxaafadda la isugu yeeray munaasabadii saxiixa heshiiska.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa isku waafqey adkeynta heshiiskii xabbad joojinta iyod hisidda kalsoonida labada dhinac. waxaana kamid ah qodobada ay isku waafaqeen

  • In gebi ahaanba la isu furo isu socodka labada dhinac oo muddo dheer xanibnaa
  • In Gaalkacyo ay ka hawlgalaan ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ah.
  • Iyo in bisha Feberaayo la isugu yimaado kulan lagu anbaqaadayo heshiiska Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo kulanka ka hadley ayaa sheegay in ay tahay fursad weyn oo mar kale lagu soo afjarayo colaadii Gaalkacyo dhankoodana ay diyaar u yihiin in ay fuliyaan heshiiska. Sidaas si lamid ah waxaa heshiiska u soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, waxaana uu sheegay in muhimaddu tahay in Gaalkacyo ciidamada laga saaro ayna ka hawlgalaan Boolis keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ergayga Qaramada Midoobey ayaa iyaguna kulankii Galmudug iyo Puntland ka hadley waxayna labada dhinac ku booriyeen in ay fuliyaan heshiiskii ay horey u gaareen.

Maalmihii u danbeeyey waxaa Galkaacyo laga dareemaayey xiisad markasta iska dhalata oo u dhaxaysa labada dhinac inkasta oo aanu dhicin dagaalo lamid ah kuwii dhacay bilihii Oktoobar-Nofeembar 2016.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *