Puntland iyo Jubbaland oo ka tacsiyeeyay Geerida Prof. Maxamed Cabdi Gaandi

Published: April 18, 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi.

Waxaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday dalka France, waa Tiir muhim ah oo ka baxay dadka Soomaaliyeed.

Marxuumku door muhim ah ayuu ka geystay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed, maraaxishii kala duwanaa ee ay soo martay iyo hirgelinta nidaamka Federaalka isagoo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaha Jubbaland.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya qoyskii, eheladiisii iyo asxaabtiisii, murxuumka alle janadii ha geeyo ehelkiisana samir iyo iimaan alle ha kasiiyo Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Axmed Maxamed Islaam, ayaa guud ahaan umada Soomaaliyeed, Bulshada Jubaland iyo qoyskii, qaraabadii iyo saxiibadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u Naxariistee Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo katirsanaa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo Kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorayntii inta badan deegaanada Jubaland isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *