Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Kuwa Somaliland ayaa saaka mar kale ka dhacay Deegaan u dhaw Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaaag, Sida ay Ilo xog-ogaal ah u sheegeen Horseed Media dagaalka ayaa sababay khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.
2 Askari ayaa Ciidamada Puntland uga dhintay dagaalka, Halka Ciidamada Somaliland iyaggana la sheegay in uu dagaalkaas uga dhinteen 3 Askari, Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.
Dagaalka ka dhacy Duleedka Hadaaftimo ayaa daba-socda mid shalay ka dhacay Degmada Laas-qoray kaas oo u dhaxeeyay labada Gudoomiye ee Gobolka Sanaag u qaabilsan Puntland iyo Somalialnd.
Degaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, balse waxaa jira gurmadyo labad dhinac soo gaaraya. Shalay ayey ahayd markii ee gobolka Sanaag uu iska hor-imaad hal askari ku dhintay ku dhexmaray Somaliland iyo Puntland.
Puntland ayaa bilawgii sanadkaan gacan-buuxa ku dhigtay gacan ku haynta Gobolka Sanaag, Ciidamadii ka tirsnaa Somaliland iyo maamulkii u qaabilsanaa Gobolka Sanaag ayaa ku biiray Puntland.
Horseed Media 2020