Puntland iyo UNHCR oo ka wada hadley qulqulka qaxootiga Itoobiya

6 November, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo weheliyo Agaasimaha Guud Maxamed…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo weheliyo Agaasimaha Guud Maxamed Cali Faarax ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo ay hogaaminayo madaxa UNHCR ee Puntland Xhemil shahu.

Shirka ayaa looga hadley xal u helidda qul qulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Itoobiya kuwaas oo dhibaato xoogan ku haya Puntland, sidii loo la tacaali lahaa xaaladda qaxootiga ka imaada dalka Yemen.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadley sidii loo soo afjari lahaa barakaca gudaha ee dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland iyo Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero.

Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR ee Puntland Xhemil shahu ayaa booqon doona meelaha ay hay’adda ka fulisay mashaariicda lagu hormarinayo qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha Dowladda Puntland.

HORSEED MEDIA