Puntland: Madaxweyne Deni Oo Salaaddii Ciidda Adxaa Ku Tukaday Madaxtooyada

Published: June 28, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa salaadii Ciidul Adxaa kula tukaday Masuuliyiinta Dowladda iyo Bulshada, Masjidka Shuhadaa ee Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda Oogista Salaada Ciidul Adxaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Dowladda.

Masuuliyiinta Puntland oo horey maalmaha ciidda ugu tukan jirey goobaha bulshada isugu timaado ayey talaabadani timid iyadoo maalmahan caasimada ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kasoo horjeeda furiddii dastuurka oo xitaa sababtay gacan ka hadal.

Horseed Media