Puntland maxay ka tiri ciidamada badan ee Somaliland ka socda ee tegay Boocame?

Published: August 4, 2022
Share1.5k

Ilyaas Lugatoor
Wasiirka duulitsa hawada iyo garoomada Puntland

Wefdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Somaliland Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye ayaa maanta oo khamiis ah gaarey magaalada Boocame ee gobolka Sool.

Boocame ayaa ah degmada keliya ee gobolka Sool ka tirsan oo maamulka Puntland si buuxda uga shaqeeyo.

Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa ku sugnaa magaalada xiliga ciidanka Somaliland ee xoogan halkaas tageen, waxaana uu sheegay in isaga iyo Xildhibaan ay ku sugnaayeen Boocame arrimo nabadeyn ahna u joogeen, qoraal uu ku faafiyey baraha bulshadaayuu ku yiri:

Waxaan ku sugnaa ilaa shaley (Arbaco) Degmada Bocame waxaan rabaa in aan la wadaago shacab iyo dawlada Putland iyo ummaada Soamaaliyeed in maanta ay duulan ciidan ku soo qaadeen ciidanka Somaliland magalada Bocame

Wasiirka duulista Ilyaas lugatoor

Sababta ciidamadan loo keenay iyo duulaanka ayuu ku sheegay laba ujeedo in Somaliland ay ka lahayd.

Waxaa duulanku daarnaa labo ujeedo, mid in la carqaladeeyo nabadeynta beelaha walaalaha ah ee Xasan Ugaas iyo Maxamed Ugaar iyo Bah-dubeys oo meel gebe-gabo ah mareysa, Isimada dhaqanka ay hadda dhamaystirkeedi ku jiraan, oo Ugaas Maxamud Ugaas Cabdulahi dhigey gogosha magaalada Boocame.

Wasiirka Duulista Puntland Lugatoor

Ujeedka labaad ayuu ku sheegay mid siyaasadeed oo la doonaayo in Somaliland looga mashquuliyo culeyska saaran Muuse Biixi ee doorashada taagan, taas oo muran ba’an ka taagan yahay

Ugu danbeyntii Wasiir Lugatoor ayaa sheegay in Somaliland hadda isaga baxdey Boocame kadib markii wax soo dhaweyn ah ay ka waayeen shacabka.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtey in Boocame ay ku tageen safar caadi ah oo guddoomiyaha gobolku ugu kuur galaayey xaaladda deegaankaas iyo saameynta abaarta, markii aan doono ayaan booqan karnaa ayey ku goodiyeen.

Somaliland ayaa ciidankeeedu Garoowe u jiraan qiyaastii 60km. Puntland ayaa kal hore ciidankeedi ugu badnaa u rartey magaalada Bosaso si ay dagaal ula galaan isla ciidan kale oo Puntland ah ,kuwaas oo aan weli furimihii laga saarey dib loogu celin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *