Puntland: Musharax Madaxweyne Suldaan Afguduud Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday

Published: December 19, 2023
Shares32

Alle ha u naxariistee, waxaa shil gaari oo ka dhacay Qayaadsame ku geeriyooday Suldaan Cabdicasiis Afguduud oo ahaa Musharax madaxweyne Puntland 2024.

Boqolaal shacab ah ayaa usoo baxay si ay usoo dhaweeyay Suldaan Cabdicasiis, balse qadarka EEBE ayaa kasoo hormaray.

Musharaxa ayaa dhawaan kasoo deggay Magaalada Boosaaso, halkaas oo lagu soo dbaweeyay, waxaana maanta soo dhowayn loogu diyaarinayey magaalada Qardho.

Dhimashada waa 2 qof oo uu ku jiro musharaxu, dhaawacuna waa 3 qof oo kale sidda ay maamulka degmada Waaciye xaqiijiyeen.

Horseed Media