Puntland oo 33 doollar ka dhigtay qiimaha Buuggaagta manhajka oo horey u ahaa 55 doollar

Published: August 15, 2022
Shares742

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Ugu horreyn Saciid Deni Madaxweyanah Puntland ayaa warbixin ku saabsan Manhajka ka dhegaystay Madaxda ugu sarreyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, kaas oo ku aadan qiimaha lagu daabacay manhajka.

Kulanka u dhaxeeyay Madaxweyanah Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo  Madaxda ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedkaas aya laga soo saaray go’aan ku saabsan qiimaha lagu iibin doona Manhajka Dugsiyada.

Qodobada ka soo baxay Shirka oo uu Warbaahinta la waadagay Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa kala ah:

  1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.
  2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.
  3. Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.
  4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Lacgta la go’aamiyey ayaa qiime ahaan u dhigmeysa 33 oo doollar halka qiimihii manhajka buugaagta uu horey u ahaa 55 doollar.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya ka did markii labo maalin ka hor uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni joojiyay iibin Manhajka Dugsiyada Dowlad Gobaleedkaas, kaas oo cabasho ay ka keeneyn Waalidiinta dhalay Ardeyda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *