PUNTLAND oo aqoonsigii kala noqotey Dowladda Federaalka!

Published: March 31, 2024
Shares74

Puntland ayaa ku dhawaaqdey in ay aqoonsigii kala noqotey Dowladda federaalka isla markaana Dowladda Puntland ay tahay mid leh awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, go’aankan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid Puntland ka soo baxa.

GO’AANKA DOWLADDA PUNTLAND

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 31ka bisha Maarso 2024 shir aan caadi ahayn ku yeeshay Caasimadda Garowe Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Shirka waxaa looga arrinsaday tallaabada ay shalay oo ah 30kii Maarso 2024 ay Golayaasha Dowladda Federaalka ah ku buriyeen Dastuurkii lagu ansixiyey magaalada Muqdisho 2012kii taa badelkeedan si sharciyada baalmarsan loogu meel-mariyey dastuur cusub oo laga leeyaahay dano-gaar ah.

Tillaabadaas oo ay Dowladda Puntland hore marar badan uga digtay in haddi lagu tillaabsado ay wax u dhimayso midnimada, dowlad-dhiska iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Puntland waxay u aragtaa in go’aankii Golayaasha Federaalku ay shalay gaareen uu buriyey sharciyaddii iyo heshiisyadii illaalinaysay midnimada Dalka ee ku dhisanayd hannaanka Federaalka ah.


Dowladda Puntland, iyada oo ka duulaysa: Qodobka 142-aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, kaas oo dhigaya “illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamuladii jiray ka hor inta aan la qaadan Dastuurka ku meel gaarka ah, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo”,

Qodobka 4-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, farqaddiisa 4-aad, xarfaha (b) iyo (t), kuwaas oo dhigaya “Dowladda Puntland waxaa u banaanaanaysa in ay dib u eegto ka sii mid ahaanshaha Dowladda dhexe ee Federaalka, haddii Soomaalidu ku heshiin weydo qaab dhismeed dowladeed oo aan ka hooseyn nadaamka federaaliga ah, ayna daba dheeraadaan deganaasho la’aanta iyo dagaalada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

Sidoo kale iyadoo la tixraacayo lana fulinayo go’aamadii ka soo baxay shirweynahii wadatashiga guud ee Puntland ee ka qabsoomay Garowe 17kii Maarso 2020, Qodobkiisa 10-aad kaas oo lagu go’aamiyey in Dowladda Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo lagu badbaadinayo masiirka iyo mustaqbalka Umadeeda ee Dastuurka Federaalka iyo Puntland u ogol yahay kuna matasho shacabkeeda.
Haddaba, Dowladda Puntland waxay gaartay Go,aamadaan:

  1. Dowladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigii iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay
  2. Sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3- aad, Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay aasiga ah ee
  3. lyadoo la raacayo qodbada aasaasiga ah ee Dastuurka dowladda federalka ah ee Somalia Cutubkiisa 1-aad qodobkiisa 1-aad farqada 1-aad iyo farqada 2- aad ee Mabaadida aasaasiga ah, oo u qoran sidaan” waxaa reebban in qof ama qeyb ka mid ah bulshada sheegto gobanimada jamhuuriyada federalka ah ee Soomalia ama u adeegsadaan dastuurka si gaara” sidaa daraadeed Xasan sheikh Maxamuud waxuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey. Hadaba, Xasan Sheikh Maxamuud waxuu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.
  4. Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa wadashaqeyna la yeelanaysaa cidkasta oo aqoonsan kuna dhaqmeysa dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyey 1-dii August 2012.
  5. Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.
  6. Go’aankan Golaha Xukuumadu meel-mariyey waxaa la horgeynaya ee Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.