Puntland Oo Beenisay In Markab Lagu Afduubtay Gardafuu

Published: August 21, 2020
Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax.

Dowlada Puntland ayaa beenisay in la afduubtay markab xamuul oo marayey marsada degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu, sida uu xaqiijiyey wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax.

Wuxuu sheegay in markabkan oo laga leeyahay dalka Panama uu kasoo shiraacday Imaaraadka Carabta isla markaana uu shidaal u wadey magaalada Muqdisho, balse cilad soo wajahday ugu soo leexday xeebta bareeda.

Wasiirku wuxuu intaasi raaciyey in markabku muddo saddex berri ah ku sugnaa xeebta, ayna markii ay ka shakiyeen u dirteen askar si ay u hubiyaan, balse nasiib-darro askartii loo diray ay hub kala dagtey.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay inay dowladu gacanta kusoo dhigi doonto askartaas, markabkana loo celin doono hubkiisa.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo dibada ayaa 24kii saac ee lasoo dhaafay baahisay warar sheegaya in markabkan la afduubtay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *