Puntland oo beenisey in deegaanka Sugurre ciidamo looga laayey

Published: February 15, 2012

Dowlada Puntland ayaa beenisey war ay qaar kamid ah Saxaafadda Soomaalidu baahisey maalin nimadii shalay.

Warkaas oo ahaa in ciidamo badan oo kuwa ammaanka Puntland ka tirsan lagu laayey deegaanka (Sugurre) ee magaalada Boosaaso ayaa lagu tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax-joorre) oo maanta magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in uusan jirin wax dagaal ah oo deegaankaas ka dhacay.

Libaax-joorre waxa kale oo uu tilmaamay warka sheegaya in askar 20 ku dhow lagu laayey deegaankaasi uu yahay mid been abuur ah xaqiiqadana aad uga fog, wuxuuna intaas raaciyey uusn jirin wax isa hor imaad ah oo goobtaas ka dhacay.

Hadalka dowlada Puntland kasoo baxay ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa koonfurtu ay baahiyeen in kooxda Shabaabka xiriirka la leh ee buuraleyda Golis ay laayeen 17-askari oo Puntland ka tirsan.

Sugurre oo qiyaastii 4okm dhinaca koonfur galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan waxaa ku sugan ciidamo tira badan oo ka irsan laamaha ammaanka ee Puntland, horayna deegaankaas waxaa uga dhacay dagaalo dhexmaray ciidamada dowladda iyokooxaha hubeysan ee buuraeyda Golis.

Horseed Media