Puntland oo Bilawday Inay Ka baarto Viruska Corona dadka ka imaanaya Dibada

Published: February 1, 2020

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha General Mohamed Abshir Garoowe ka daahfurtay baaritaanka dadka ka imaanaya dibada si looga hortago cudurka Corona Virus ee ka dilaacay wadanka Shiinaha

wasaaradda ayaa koox caafimaad ah geeysay garoonka diyaaradaha si baaritaan loogu sameeyo dadka garoonka imaanaya kana imaanaya dalka dibadiisa,dadka ayaa laga baarayaa cudurka Corona Virus oo aduunka meelo kamid ah laga sheegay.

Baaritaankan ayaa la marsiin doonaa dhamaan dadka soo dagaya kana imaanaya dalka dibadiisa.

Waxaa lagu bilaabay diyaarada Ethopia Airline rakaabkii saarnaa oo dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland Cismaan Ali Yuusuf oo kalmad ka jeediyay ayaa uga mahadcelinayay wasaaradda caafimaadka iyo sida ay uga jawaabtay in laga taxadaro in cudurka Corona uu dalka soo gaaro.

“Waxaan ugu horayn anigoo ku hadlaya magaca wasaaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada idinku soo dhawaynayaa Garoonka Diyaaraha Gen.Mohamed Abshir ee Garowe sidoo kale waxaan idinka mahadcelinayaa masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Puntland bilawga aad maanta ka bilaabeen garoonka Garowe baaritaanka la marinayo dadka soo dagaya ee ka imaanaya dalka dibadiisa,si looga taxadaro cudurka Corona oo aduunka meelo ka mid ah laga sheegay.”

Agaasimaha Guud wasaaradda caafimaadka Dr. Abdirisaaq Xirsi Xasan oo hadal ka qaatay ayaa ka waramay baaritaankaan iyo qorshaha wasaaraddu ka leedahay.

“Waxaan ugu horayn halkaan uga mahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo Masuuliyiinta wasaaradda Duulista Hawada iyo shaqaalaha garoonka diyaaradaha garowe, ujeedka aan maanta Garoowe uga bilawnay baaritaanka ayaa ah sidii wasaaraddu uga hortagi lahayd cudurka Corona Virus oo China ka dilaacay meelo ka mid ah aduunkana laga soo sheegay, waxaana rajaynaynaa in ilaahay uusan ina soo gaarsiin.”

Wasiirka Wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan ayaa ka waramay ujeedka iyo qorshaha wasaaradda ee baaritaanka dadka ka imaanaya dalka dibadiisa

“Waxaan umahadcelinayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Duulista iyo Garoomada sida ay noogala shaqeeyeen bilaabida baaritaanka aan maanta bilaabayno, waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala
duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa,waxaa wasaaraddu diyaarisay kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.”

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *