Puntland oo Ciidamo Kala Dhex Dhigtay Beelo ku Dagaalamay Sanaag

Published: June 28, 2020

Dowladaa Puntland ayaa sheegtay inay ku guulaysteen inay joojiyaan dagaal gobolka Sanaag ku dhexmaray labo beelood sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Jaamac Deperani.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo amniga suga la geeyay degaanka Cawsane ee degmadda Dhahar halkaasi oo shalay uu ka dhacay dagaal sababay Dhimasho iyo dhaawac 8

“Arrinta Cawsane-Sanaag, Dowladdu waxay ka bixisay jawaab deg deg ah waxaana uu Madaxweyne Deni kulan arrintaasi ku saabsan maanta isugu yeeray Guddiga Amniga”

Dagaalka oo socday waqti kooban, islamarkaan la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa waxaa uu ka dhashay dhul beereed in muddo ah ay isku hayeen labad beelood ee dirirtu dhexmartay.

“Waxaan ugu baaqeyna Bulshada Gobolka Sanaag oo caan ku ahaa nabadda in ay ilaaliyaan nabadgelyada, waxkasta oo colaad keeni Karana laga fogaado. Wejiga labaad ee qorshaha nabadeynta Cawsane waxaa uu noqonayaa in laga shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa colaada cawsane”

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *