Puntland oo Maanta Daahfuraysa Talaalka Covid19

Published: March 27, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta daahfuraysa Talaalka loogu talagay Kahortagga cudurka Safmarka ah ee Covid19.

Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayaa si isku mid ah looga daahfuri doonaa talaalka oo ay qaadan doonaan kumanaan qof maalmaha soo socda waxaana munaasabad lagu daahfurayo ka qeybgali doona masuuliyiinta wasaarada caafimaadka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay habraac lagu maareynayo qaadashada Talaalka safmarka Covid19 kaasoo dadka u nugul cudurka u saamaxaya in ay qaataan isla markaana ka mamnuucaya dadka qaba xasaasiyadda ku qaba talaalka iyo dadka ka yar da’da 18-ka Sano.

Talaalka wasaaradda Caafimaadka Puntland ay maanta daahfuri doonto waxaa ay kala yihiin Talaal ay dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday Puntland iyo talaalka mashruuca COVAX oo ah mid ay Hay’adda Caafimaadka Aduunka dhawaan soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxbaa ka khaldan qorshaha wasaaradu dejisey, aduun qof walba lama talaalo, 30 sano qofka ka yar ma ahan inuu talaalka ku degdego, waxaana fiican in marka hore talaalka lagu bilaabo shaqaalaha cusbataalada, iyo dadka waayeelka ah.