Puntland oo daahfurtay Manhaj Waxbarasho

Published: February 28, 2022
Shares2

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare ee deegaannada Puntland.

Manhajkan oo muddo howshiisu socotay waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland , Barayaasha dugsiyada sare iyo Madbacadaha Midoobay.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in dhamaystirka Manhajkan dugsiyada sare uu tusaale cad u yahay inaynu wax qabsan karno, taasoo muujisay horumarka laga gaaray Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, barayaasha Dugsiyada Sare iyo Madbacadaha Midoobay ee Puntland Shaqada wanaagsan ee ay qabteen ee diyaarinta manhajkan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *