Puntland oo diiwaangelin labaad ka samaynaysa caasimadda Garoowe

Published: May 26, 2024
Shares54

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa daahfuray Kulanka Jihaynta Barnaamijka Dawladda iyo Dhamaystirka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland.

Kulankaan oo looga hadlayey Dardargelinta barnaamijka Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland gaar ahaan dhamaystirka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee dhiman Garowe, Godobjiraan iyo Dangarayo iyo Jihaynta Barnaamijka Dawladda ayaa diiradda lagu saaray sida ugu wanaagsan ee la isakaga kaashan karo qabashada Doorashada.

Daahfurka Kulanka Jihaynta Barnaamijka Dawladda iyo Dhamaystirka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda Dowladda Puntland, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Puntland, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Guddiga Deegaanka Golaha Wakiilada, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, Duqa Caasumadda , Xisbiyada Siyaasadda, Siyaasiyiin, Odayaashaa dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Nugaal.

Kulanka intii uu socday waxaa la is dhaafsaday afkaar kala duwan oo ku saabsan tabaha ugu wanaagsan ee loo dhamaystiri karo Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo Bulshada la hadlay ayaa u iftiimiyey in ay lagama maarmaan tahay in la dhiso Goleyaasha Deegaanka ee dhiman, lana qabto doorashada 3-da Degmo ee dhiman.

Horseed Media