Puntland oo Fasaxday Ardayda Dugsiyada iyo Jaamacadaha Garoowe

Published: March 14, 2020

Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa muddo saddex maalmood ah fasaxday ardayda dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha ee caasimadda Puntland.

Qoraal ay wasaaadu soo saatay ayay ku sheegtay in ardayda la fasaxay maalmaha uu socdo shirkada wadatashiga Puntland oo maalinti beri ah ka furmaya caasimadda Garoowe

” Wasaarada waxbarshada Puntland waxay maamulada warqadan ku socoto ku wergalinaysaa in maalmaha uu socdo shirkada wadatashiga Puntland fasax yihiin muddo saddex maalmood ah dhammaan goobaha waxbarashada ee dugsiyada hoose/dhexe/Sare iyo jaamacadaha Garoowe” ayaa lagu yiri warqada wasaaradda

Fasaxa ayaa ka bilaabanaya maalinta Axada oo ku beegan 15 march, xiligaas ah oo waqtiga uu furmayo shirka wadatashiga Puntland ee Garoowe ka dhacaya.

Go’aanka wasaaradda ayaa ku soo aadaya iyadoo wadamo badan oo Caalamka ah ay fasaxeen ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha khatarta cudurka coronavirus awgiis.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *