Puntland oo gacanta ku dhigtey dukumintiyo badan oo Daacish ka carartey.

7 hours ago

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ay heleen dukumintiyo caddeynaya nidaamkii ay lacagta ku qaadi jireen Daacish, liisaskoodi, lanbaradii loogu diri jirey, shirkad kasta lacagta ay u dirtey.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen Muumin Cabdi Shire oo qayb ka ah hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay la wadaageen dukumintiyo badan oo ay ku qabteen saldhigyadii ay ka qabsadeen Daacish Dukumiintiyada ayaa muujinaya sida kooxda Daacish ay u yihiin maafiyo dhibaato ba’an dalka u geystey

Gen Muumin Cabdi Shire ayaa hooska ka xariiqay in ay ogaadeen in Daacish ay samayn irey lacag been abuur ah, inkasta oo anau sheegin nooca lacagta.

“Waxaan helay dukumintiyo caddeynaya nidaamkii ay lacagta ku qaadi jireen, liisaskoodi, lanbaradii loogu diri jirey, shirkad kasta lacagta ay u dirtey, qofkasta inta uu bixiyey iyo akoonada lagu shubi jireen” ayuu yiri Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdaan u badan yihiin kuwo denbiyo kaso galay dalalkoodi marka la eego dukumintia lagu wareejiyey. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Daacish ay xaalufiyeen ugaartii iyo dugaagii dalka ku noolaa, ayna ka shaqeyn jireen macdan gurasho.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalintii shalay ee Khamiista la wareegay ilaa afar saldhig oo muhim u ahaa Daacish kuwaas oo ku yaala aaga Belidhidin.