Puntland oo Guddi Culimo Ah u Xilsaartay Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Published: December 6, 2019

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi. 

Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan:-

1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur
Guddoomiye.
2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
Guddoomiye Ku-xigeen.
3.Shiikh Daahir Aw Cabdi
Xubin
4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed 
Xubin
5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir
Xubin
6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle 
Xoghayn.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *