Puntland oo Gurmadkii ugu horeeyay gaysay Magaalada Qardho.

Published: April 29, 2020

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland, Wasaarada Haweenka Puntland, Gudigga Macamiishada iyo Ganacsigga, Maamulka Degmada Boosaaso ayaa Gurmadkii ugu horeeyay Maanta soo gaarsiiyay Magaalada Qardho.

Adeegyadaan la gaarsiiyay Magaalada Qardho ayaa ka koobnaa Cuntada Fudud, Hugga dhaxanta laga gashto, Teendhooyin, Dawooyin iyo raashinka quudal-daruuriga ah.

Guddi hoosaadka Dejinta iyo Maaraynta Dhaqaalaha ee Gudigga Gurmadka Daadka Qardho oo ay hogaaminaysa Wasiirada Haweenka Puntland Aamino Xirsi iyo Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan ayaa kala wareegay deeqdaan Hay’ada Dawlada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *